Advertise here

Somaliland Net News - Email this Story - Saxiib u dir

ODAY KA SHEEKEE!!

Jan 09 2002 Nayruuska Sannadka 2002, Moorada, Meeraha iyo Maalinta. Sh. Maxamed Yuusuf Axmed Aadamuhu aad ayuu u jecel yahay inuu wax ka ogaado, wakhtiga foodda ku soo haya iyo waayihiisa la xidhiidha, hase yeeshee, umay fiirsan dhibta ku jirta ogaanshahooda, umana adkaysan karo nolosha hadduu xog-ogaal u noqon lahaa ayaamaha ku soo fool leh, waxaana dadka badankoodu aysan u adkaysan karayn farxad iyo naxdin saamiga uu ku leeyahay hadduu ogaado. Haatuf, Cadadki 21-aad, 9 Jan, 2002 Translate (for Somali articles no translation available, sorry!)

Haddaba, aadamuhu ma daayo saadaasha iyo odoroska mustaqbalka. Ku dhaqanka saadaashu waa mid ku salaysan qaab nololeedka bulsho-weynta, iyaga oo u sahaminaaya beerahooda, xoolahooda iyo noloshooda, waxaana arrimahaa saadaasha wax laga weydiiyaa dad gaar ah oo loo tirinayo in ay aqoonta saadaalinta khibrad u leeyihiin.

Wargeyska Haatuf oo wareysi la yeeshay Caalim ka mid ah dadka ku xeel-dheer Cilmiga Xiddigaha Astronomy, lana yidhaahdo; Sheekh Maxamed Yuusuf Axmed, kana mid ah bulshada ku nool Hargeysa oo aanu wax ka weydiinay, Saadaasha Sannadka cusub ee 2002-da, waxa Sheekhu hordhac gaaban uga dhigay hadaladiisii:

Eebbe ayaa iska leh Xukunka Kownka, waxayna dunidu ku joogtaa amarkiisa awoodda leh. Rabbigeenna ayay aqoonta iyo cilmiguba u sugnaadeen. Intuu aadamahiisa ku manaystey, wuxuu ku tilmaamay Rabbi, wax kooban. Eebbe, cidna lama wadaagto maamulka kownkiisa, qadarkana isaga ayay gacanta ugu jirtaa, sida uu yeelayana cidi lama wadaagto. Garasho Eebbaa iska leh, haddaanse male aadame ku awaalo Saadaasha sannadkan 2002. Waxay odhan jireen, dadkaa ka odoroosa Xiddigaha, sidatan:- Sannadkan, waxaan Saadaasha Nayruuskan Talaadaad u eegayaa, si yara baahsan; ugu horaynta Kowdii bishii koowaad ee sannadkan labada kun iyo labadu, oo ku beegan Curashada sannadka, dayaxu wuxuu joogay (fadhiyey), godka toddobaad ee raqaha, waxaa loo yaqaan (Afagaal), Gal iyo gal-gelin midna ma ahayn, daba fadhi ka fog ayuu ahaa, laga yaabee inuu ku beegnaa bilow godka Canbaar oo ah maa. Afagaalkuna, waa hawaa, waa god Soomaalidu aad u daneeyaan (ay jecel yihiin).

Haddii habeenka curashada Nayruuska dayaxu joogo god hawaa ah, Soomaalidii hore waxay ka odhan jireen, waa sannad dabaylo badan, oo waxay jecel yihiin inuu God maa ku curto. Si kasta ha ahaatee, Xeel-dheerayaashii hore marna Nayruus Talaada roob laaan kuma tirin, wax kaloo ay ku sheegaanba, Illaahay ha inooga dhigo sannad barwaaqo.

Mooradda Nayruuskani, waxay ku beegan tahay tan koowaad, waa burjiga Xamli (Aries), waa godadka dayaxa ee kala ah; Godan; Lisan iyo saddex meelood oo labo ururta.Soomaalidu, waxay u taqaan (Laxo ama meecaado) dalkeena inta badan waa kaliil, gaadhi-gaadhi-saar, waa marka Cadceedu ku beegan tahay dhul badhaha, waa xilli bilowgii.

Tilmaamaheeda, waxaa ka mid ah; waa lab maalinle ah, isgediye, jihadiisu waa bari; soo kore, Cawaj, dheer, cod qeexan, kaah leh, Naariya oo kulayl rudab ah leh, waa dhiigle isugu jira Sidci iyo Nuxus. Mooradani, marka ay bari kaa xigto fulkiga, waxaa laga sheegaa awood dheeraada iyo nufuud adag, meerihii ku jira inta kale oo dhan wuu ka itaal roon yahay, ha ahaato inuu ku jiro ayada ama saddex geesoodkeeda ama sharafkeeda ama mooro kale oo meerahoodu ku leeyahay weji. Mooradan saddex meere ayaa si joogto ah wejiyadeeda loogu eegaa, intii socoto ku soo marta mooyee Weji walibana wuxuu la astaan yahay meerihiisa.

Mooradani, Jidhka dadka waxay ku leedahay, wixii indho ka yimaadda, sida (Ilmada), sidoo kale caloosha iyo xameetida, madaxa, timaha madaxa, Cudurada hurdiga ahna waa loo nisbeeyaa, wixii dhadhan qadhaadh oo idilna waa lagu sheegaa.

Midabbada, wixii Cas ama Casaan xigga; Madowga waa lagu tilmaamaa, sidoo kale ha ka reebin midabka hurdiga, mar haddii mooradani tahay sharafta Cadceeda. Deegaanadana, waxaa loo nisbeeyaa dhulka qarfaha ah, dhulka tuugo galeenka ah, goobaha dabka lagu shido iyo wixii lagu farsameeyo.

Xayawaankana, wixii afar adin leh iyo dhogor. Dhirtana, wixii cas ama xiga, sida basbaaska.

Waxaa si u gaara loogu nisbeeyaa Mooradan Laxaha, wixii ku taxaluqa; ruuxa, nafta, jasadka, bilow arrin iyo ujeeddo, soo jeedin, wixii haybad iyo muuq-dheer leh, dhacdo kasta oo socota, horeyn iyo dambayn, boqorrada, Salaadiinta, Madaxda, intii ku dhex jirta iyo xaalka ay ku sugan yihiin.

Sidoo kale, Goobaha Cag-xunta ah; buuraha, burcooyinka iyo kala saraynta dhulka iyo bahala galeenka. Intaa waxaa dheer oo lagu sheegaa Moorada nayruuskan, wax alla wixii arrin soo kordha (Yimaadda) iyo wixii ku dhex jira, wax walba in xoog la saaro, awoodi waa lama huraan, iftiimin, muujin, si deg-degga in loo maroorsado arrin mid kalena loogu leexdo, mar haddii ay mooradani tahay, mid lab oo qulubaa-gediya.

Intaa kadib, haddii aan ka sheego in kooban meeraha nayruuskan 2002-da, moorada lax-korna tahay gurigiisa, ayada iyo tan koowaad ee laxaha ee korna ku cad. Magaciisa dadkeenu, waxay u yaqaaniin Farraarre ama Mariikh dhiigle (Mars), waa meere dhallaal aad u cas leh, xilligana waxaa laga arki karaa fiidnimada aagga fulkiga galbeed Moorada 11aad (Aquarius), waxaa lagu sheegaa Samada 5aad, waa lab, hamaynle, kulayl engegan, tilmaamaha waxa uu la wadaagaa Mooradiisa, waxaase u dheer goobaha dagaalka, dhufaysyada, qalcadaha, xayawaankana inta wax dhibta, cidiyo leh, af iyo cidiba wax ku dilla, meel kasta oo noole looga dhiijiyo, xasharaadka la necebyahay ee leh urta qudhmoon.

Meeraha nayruuska, waxaa si gaar ah loogu sheegaa, waxna laga saaraa, arrimaha hoos ku qoran: Hoggaanka Ciidamada, Gaashaandhigga iyo inta xoog iyo haybad huwan, Geesinimo dhiiraan iyo geed adaygnimada iyo dhammaan ujeeddo Siyaasadeed oo huwan muran, dood, is-colaadsi iyo shirqool. Waxa kaloo lagu sheegaa ka hortagga, shirqoolada la maleegayo talo goosiga. Waxa kale oo loo nisbeeyaa Xuduudaha iyo qoqobyada. Haddaba, meerahan oo laga fisho arrimaha aynu soo sheegnay, waxa haboon in laga feejignaado Afgambiyada, acdoonada, Muranada Siyaasadeed iyo Diimeed, isla markaana la yeesho talo iyo tawfiiq. Marka la eego sannadkan iyo xaaladda Somaliland iyo Caalamkuba ku jiraan, waa wakhti u baahan isu tanaasul, is-banbaanin iyo goaan adag oo laysugu dulqaato, si dhibaatada looga gudbo, is-khilaafkan ama kooxaysiguna waa layska ilaaliyaa oo leel-leelbay keentaa. Allana hayna wanaajiyo, aamiin.

Meerahan Farraare, nayruuska uu hogaaminayo waa laga ilaaliyaa muranka Siyaasadeed iyo Diimeed. Waalidiinta dalka Jayniisku, waxay jecel yihiin Wiil dhashay. Nayruuska Talaada, moorada laxaha ama Aries iyo maalin talaadaad, iyo saacad Mars, waxay rumaysan yihiin Wiilka dhashaa in uu noqonayo halyay lagu hiisho, Illaahow ha noo waayin.

Aqoon iyo Xikmadi, waxay u sugnaatay Eebbaheena weyn. Maalin Talaadaad Ragii hore, waxay ku sheegi jireen ayna tahay maalin Eebbe, nayruuskeeda waxaa la odhan jiray waa Dhiig daata, Colaad, Weerar, Bilowga nayruuska dhacdo weyn oo anfariir leh ayey ku tilmaami jireen, dhabtana Allaa og.

Haddii nayruusku galo Salaasa, waxay odhan jireen horaanteedu waa wanaag, Caafimaad, dhibina way dhacdaa, aakhirkeeduna waa Barwaaqo; Fitno ayaa ka dhacda galbeedka Carbeed, dhulka la odhan jiray Kharasaan (Bariga Khaliijul Carab), waxaa ka dhaca dhacdo weyn oo lala yaabo, Yamanna Boqor baa ka soo baxa, wuuna noqdaa. Dhulka Shaam-na, waxaa lagu tilmaami jiray inuu ka dhici karo dagaal weyn, Boqorna wuu dhacaa (Casilaad), mid kalena wuu soo baxaa.

Midhaha beeruhu way jabaan (Raqiisaan), Xagaagga biyuhu way bataan, beeruhu way baxaan, Xooluhuna Caano badan ayay dhiiqaan. Dharkuna, wuu raqiisaa, Ugaadhsiga Kheyraadka Badduna wuu bataa, dagaalkuna wuu qaboobaa, dib-u-dhis baa loo soo noqdaa. Dunida, waxaa ka dhaca is-dhin dhaqaale lacagtuna way yaraataa, Ganacsiguna wuu bataa (Iib iyo gadid).

Hadduu Nayruusku Talaada galo, Xubeeriskii hore waxay odhan jireen , waxaa looga baqaa Salaadiinta Bari ee Dunida Cadowyadooda, kuwa Galbeedka dunidana Mowtul-qafle, runtana Allaa og. Jiilaal gaaban, qabow yar, Webiyada oo biyo yareeya, roobab badan way ka saadaalin jireen. Nayruuskaas, juuc-juuc iyo xanuuno badan oo Ciroolaha iyo Caruurta ku dhaca ayaa lagu sheegi jiray, hase ahaatee dhibaato kasta waxa lagu dhaafi jiray oo ay badsan jireen Sadaqadda, Ducada iyo Akhriska Quraanka, si Illaahay dhibaato idilkeed u dhaafiyo iyaga, Illaahayna wuu karaa. Waxaa la yidhi, wixii Talaada dhaca way raagaan, Hiirtaanyo danbena way reebaan oo aan hore maaro loogu helin. Nayruuskani, markaan isku soo wada duubo, wuu kulul yahay oo waa Naari, wuu firfircoon yahay, adoomuhu waxay helaan tamar badan, haddii loo adeegsado Tamartoodaasi xumaan waxay keentaa Bur-bur, haddii wanaag loo adeegsado, waxay keentaa lib loo aayo. Qofkastow, iska ilaali in aad dad isku dirto, cadhooto, kuna dadaal in aad xilli hore gurigaaga u hoyatid, iyo badsiga joogitaanka Meheradaha.

Sidoo kale, Maatida laguma taagsado, sida dhallaanka, dumarka, Waayeelka iyo intii mudan. Waxa la isku hawlo, waxaa ugu haboon Cibaadadda Eebbe, wax walbana waxaa lagu jaraa Talo-saarashada Alle, inagoo isu naxariisana, inta baahanna loogu Sadaqaysto. Illaahow, belooyinka dunida ka huraya naga nabad-geli, oo na barbar mari.

Allow, Nabad, Roob iyo Caano.

Akhriste: Haddii aad u baahan tahay in aad Nayruuskan, wax intaa ka badan ka sii ogaato, kala soo xidhiidh Wargeyska Haatuf, Mowduuca Odey ka Sheekee.


War Clouds on the Horn of Africa : A Crisis for DEtente
Tom J. Farer / Paperback / Published 1979
Our Price: $10.00 + $0.85 special surcharge (Special Order)

Posted to the web 20:07 Jan 09 2002
by J Gabobe.

Email this Story - Saxiib u dir



Get yourname@somalilandnet.com Email - > click here


Fikrada ama Maqaalka halkan ku qoran waxaa ka masuul ah qofkii qoray oo ah J Gabobe. The views, opinions or articles published here are solely those of its authors J Gabobe. and do not necessarily reflect those of Somaliland Net. Riix halkan hadii aad isleedahay soo dir rayi ama maqaal - To Submit Article or Opinion

Got news email it to news@somalilandnet.com.


[an error occurred while processing this directive]


Daalo Airlines: Click Here

Daalo Airlines: Click Here
Daalo Airlines: Click Here
Translat this story |  Email this Story | Add a Site | Modify a Site | What's New | What's Cool | Top Rated | Random Link

Go to

Search the Web. Type it and go

  

 

© 1998 2001 Somaliland Net